Aad ayaad ugu mahadsantahay booqashada webkaan soona dhawow

T,r, somlia siiradii(SCW) Raaxada Guurka T,r, Bukhari T,r, Muslim q u r a a n SPORTS NEWS M.Ali. Haaji Boga Sawirada Asxaabta

Maxaad Ka Taqaan Gobolada Iyo Degmooyinka Soomaaliya 
(Baro Dalkaaga Hooyo)


Waa aqoon karodhsi baro wadankaaga hooyo inta degmo iyo gobol ee uu ka kooban yahay , waa barnaamij aqoon korodhsi oo aan u soo ban dhigay  akhristayaasha . 

Wixii talo iyo tussale ah ee aad haysaan kuna saabsan gobolada iyo degmooyinka dalka hadii aanu degmo ka tagnay ama aananu xusin waad noo soo sheegi kartaansi aanu ugu darno . gobolada iyo degmooyinka soomaaliya way tiro badan yihiin waxayna ka kooban yihiin 18 gobol iyo degmooyin tiro badan, waana kuwan iyagii oo dhan:

1- Awdal:- wuxuu ka kooban yahay afar degmo oo kala ah 
baki 
boorame ,oo caasimada gobolka ah 
lug hayo 
zaylac

2- Banaadir
oo magaalo madaxda muqdisho
waxay ka kooban tahay sidaan anigu u hayo 15 degmo waana kuwan

cabdi casiis 
boondheere 
xamar jajab 
xamar weyne 
hawl wadaag 
heliwaa ama huri waa 
hodan 
kaaraan 
shangaani 
shibis 
waaberi 
wada jir 
wardhiigley 
yaaqshiid 
dharkeynley

3- Bari oo
isaguna wuxuu ka kooban yahay 11 degmo

boosaaso oo caasimada ah 
caluula 
badarbeyla 
rako 
ufayn 
waaciya
qandala 
qardho 
xaafuun 
isku shuban

4- Togdheer
oo isaguna ka kooban afar degmo

burco waa caasimada 
buuhoodle 
shiikh 
oodweyne

5- Sool
wuxuu isaguna ka kooban yahay afar degmo

laas caanood waa caasimada gobolka 
caynabo 
xudun 
taleex

6- Galguduud
wuxuu isna ka kooban yahay sideed degmo.

dhuusa mareeb oo caasimada gobolka ah 
cadaado 
alad 
balanbale 
ceelbuur 
ceeldheeren 
caabud waaq 
gel hareeri

7- Hiiraan
wuxuu isna ka kooban yahay shan

baladweyne waa caasimada gobolka 
buula barde 
jalalaqsi 
masax 
matabaan

8- Gedo
wuxuu isna ka kooban yahay lix degmo

garbahaarey oo caasimada gobolka ah 
baardheere 
beledxaawo 
doolow 
ceelwaaq 
luuq

9- Waqooyi Galbeed
wuxuu isaguna ka kooban yahay afar degmo

hargeysa oo caasimada gobolka ah 
dacar budhuq 
ber bera 
gebilay

10- Mudug
isaguna wuxuu ka kooban yahay shan degmo

gaalkacayo oo caasimada gobolka ah 
galdogob 
xara dheere 
hobiyo 
jiriiban

11- Shabeelada Dhexe
wuxuu ka kooban yahay todobo degmo

jawhar oo caasimada gobolka ah 
balcad 
mahadaay 
cadale 
aadan yabaal 
warshiikh 
run rugood

12- Shabeelada hoose
wuxuu ka kooban yahay todoba degmo

marka oo caasimada gobolka ah 
afgooye 
aw-dhiigle 
baraawe 
kuntiwaarey 
qoryooley 
sablaale

13- Bay
wuxuu ka kooban yahay shan degmo

baydhabo waa caasimada gobolka 
buurxakabo 
diinsoor 
qansaxdheere 
bardaale

14- Bakool
wuxuu isna ka kooban yahay shan degmo

xudur waa caasimada gobolka 
ceelbarde 
rab dhure 
tiyeglow 
biyooley

15- Jubada dhexe
wuxuu ka kooban yahay afar degmo

bu'aale oo caasimada ah 
dujuma 
jilib 
saakow

16- Sanaag
wuxuu ka kooban yahay afar degmo

ceerigaabo waa caasimada gobolka 
ceel afweyn 
laasqoray 
badhan

17- Jubada hoose
wuxuu ka kooban yahay shan degmo 

kismaanyo oo caasimada ah 
afmadow 
badhaadhe 
xagar 
jamaame

18- Nugaal
wuxuu ka kooban yahay afar degmo

garoowe waa caasimada gobolka 
dangorayo 
ayl 
burtinle

 

SARIFKA LACAGAHA QALAAD